Thursday, June 26, 2025

Boqolaal kun Mareykan ah oo Bannaanbaxyo lagu dalbanayo xakameynta Hubka ka dhigay Mareykanka [Sawirro]

Hal Milyan oo qof ayaa isugu soo baxay Gobollada Mareykanka iyagoo ka bannaanbaxaya kana dalbaday dowladda dalkaasi  in la xakameeyo hubka ku jira gacanta dadka rayidka ah ee keena in lagu laayo dad fara badan.

Dadkan muddaharaadyada dhigayay ayaa u badnaa ardayda iskuulada iyo jaamacadaha, kuwaas oo doonaya in sharciyo adag laga soo rogo isticmaalka hubka dadka rayidka, kadib markii weerar uu dhowaan qaaday arday hore uu ku laayay arday gaareysa 17 qof.

Steve Israel oo ka tirsanaan jiray xisbiga dimuquraadiga isla markaana xubin ka ahaa aqalka Kongareeska ayaa ka mid ah dadka taageersan in la xakameeyo hubka balse waxa uu sheegayaa in dibadbaxyada aysan waxbo soo kordhineyn ee loo baahan yahay in xilliyada doorashadu dadka ay codeeyaan si loo soo doorto siyaasiin dhab ahaan u wajahayo arrinta hubka.

In kastoo dad badan ay taageeryaan in la xakameeyo hubka haddana waxaa jira dad doonaya in aan hubka gebi ahaanba la mamnuucin balse qorsheyaal kale lala yimaado, waxaana la ogahay in shirkadaha u dooda xaqa Hubka ay hanti badan ku bixiyaan doorashooyinka iyo xisbiyada dalkaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON