Tuesday, April 16, 2024

Boqorka Sacuudiga oo Amray in Hal Bilyan oo Dollar lagu maalgeliyo Dalka Pakistan

Dowladda Sacuudiga ayaa Lacag gaareysa 1 bilyan oo dollar siineysa dalka Pakistan, kadib socdaal uu Ra’iisal wasaaraha Pakistan ku tegay Sacuudiga iyo wadahadal dhex maray labada dal.

Lacagta faraha badan ee Sacuudigu gelinayo dalka Pakistan ayaa isugu jirta qeyb lagu taageerayo dhaqaalaha Pakistan, maalgashi Sacuudiga ku sameynayo mashaariic iyo lacag ka dhigayo Bankiga Dhexe ee dalka Pakistan.

Wasiirka arrimaha dibadda Pakistan Bilawal Bhutto Zardari ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan maalgashi kasta iyo caawimaadda uga imaanaysa boqortooyada Sacuudiga.

Ad

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu boqortooyada Sacuudiga uga warbixiyay dhibaatada daadadka Pakistan, xaaladda dhaqaale ee dalkaasi iyo dhibaatooyika ka dhashay.

Sacuudiga ayaa saaxiib dhow la ah dalka Palkistan oo ku jira xaalad qalalaase siyaasadeed iyo waxyeelo ka dhalatay Daadad ku dhuftay dalkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 1000 qof.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON