Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis ayaa shaqada ka cayrisay abaanduulayaashii sarsare ee militariga dalkaasi kadib wareegto ka soo baxday Aqalka boqortooyada.
Saraakiisha Sare ee la shaqada laga fariisiyey waxaa ka mida taliyeyaashii ciidamada qalabka sida, abaanduulayaasha ciidamada dhulka iyo cirka, iyadoo intooda badan loo diray howlgab isla markaana lagu bedelay taliyeyaal cusub oo la dalacsiiyey.
Wakaaladda wararka ee Sacuudiga ee (SPA), yaa shaaciyey wareegtada, iyadoo aan la sheegin sababaha keenay in xilalkii laga qaado taliyeyaashii ciidamada dalkaasi oo hadda dagaal ka wada dalka Yeman ee ay deriska yihiin.
Madaxii ciidamada Militariga, Janaraal Abdul Raxman bin Salex al-Bunyan, ayaa ka mid dadka xilkooda waayay, sida ay sheegtay wakaalada wararka Sacuudiga.
Dhowr shaqsi oo ka tirsan militariga ayaa mar hore la dalacsiiyay si ay u badalaan kuwa shaqada laga ceyriyay. Dhowr jago ayaa sidoo kale la magacaabay taasi oo ay ka mid tahay, magacaabidda haweenay loo magacaabay wasiirka shaqaalaha iyo hormarinta bushada taasi oo lagu magacaabo Tamadar bint Yousef al-Ramah.
Prince Turki bin Talal ayaa loo magacaabay barasaab ku xigeenka gobolka Koonfur galbeed ee Asir. Mr Talal ayaa la dhashay milyaneerka lagu magacaabo Al waleed bin Talal oo isagu la xiray ka dib markii lagu eedeeyay falal musuqmaasuq.
Dhaxal sugaha uu dhalaya Boqorka talada ahaya Maxammd Bin Salman, ahna Wasiirka Gaashaandhiga ayaa la rumaysan yahay in uu ka dambeeyo isbedello dhowr ah oo dhawaan dalkaasi ka dhacay.
Sanaddii aanu soo dhaafnay tobaneeyo ah shaqsiyaad caan ah oo ay ka mid yihiin dhaxal sugayaal, wasiiro iyo Bilyaneero ayaa lagu xiray hotel ku yaalla dalka Sacuudiga, iyadoo laga qaatay lacag madax furasho ah oo ka badan 100 bilyan oo doolar.
Faragalinta ay Sacuudiga ku sameeyeen Yeman ayaa ahaa mashruuc uu watay dhaxal sugaha Maxammed bin Salman, iyadoo uu noqdy dagaal qasaare geliyay Sacuudiga, una soo jiiday magac xumo weyn.