Wednesday, July 30, 2025

Boqorka Sacuudiga oo haweeneydii ugu horeysay u magacaabay Xil Safiir oo uu ka qaaday wiilkiisa

Boqorka Sacuudiga Salman Bin C/casiis ayaa haweeneydii ugu horeysay ee Sacuudiyaan ah u magacaabay safiir, iyadoo dalkeeda uga wakiil noqon doonta dalka Mareykanka.

Haweeneyda Riima Bint Bandar ayuu boqorku u magacaabay danjiraha cusub ee dalka Maraykanka, iyadoo noqotay haweenaydii ugu horraysay ee boqortooyadu ka qabata xil danjirenimo, waxaana wareegtada lagu magacaabay Wareegti kasoo aqalka Boqortooyada.

Riima Bint Bandar ayaa xilka kala wareegeysa wiil uu dhalay boqorka oo ka yar dhaxal-sugaha dalkaasi laguna magacaabo Amiir Khaalid Bin Salmaan, iyadoo nolosheeda inteeda badan ku qaadatay magaalada Washington, waxayna shahaadada koowaad ka qaadatay Jaamacadda George Washington.

Haweeneyda safiirka cusub ee Mareykanka loo magacaabay Sacuudiga ayaa aabaheed Bandar Bin Suldaan wuxuu ahaa danjiraha Boqortooyada Sacuudiga u joogay Mareykanka intii u dhaxeysay 1983 ilaa 2005.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON