Wednesday, June 25, 2025

Boqorka Sacuudiga oo Mushaar kordhin lama filaan ah u sameeyay shaqaalaha iyo Ciidamada dalkaasi

Shaqaalaha dowladda Sucuudiga ayaa la siin doona lacago looga caawinayo canshuuraha cusub ee lagu kordhiyay iibka alaabaha iyo sare u kaca qiimaha shidaalka.

Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis ayaa amar ku bixiyay in mushaarka shaqaalaha dowlada lagu kordhiyo bil kasta in ka badan 260 doolar laga bilaabo sanadka soo scocda. Talaabadan ayaa lagu caawinayaa dadka ay ku adkaatay maciishada caadiga ah, taasi oo ka dhalatay sare u kaca qiimaha shidaalka iyo kordhinta canshuuraha.

Boqortooyada Sucudi Carabiya ayaa aad u laba jibaartay sicirka shidaalka ee gudaha Sucudi Carabiya, waxaana lagu soo rogay inta badan alaabaha ay ka mid ka yiiin raashiinka iyo adeeegyada kale canshuur gaareysa boqolkiiba 5%.

Dowladda Sacuudiga waxay dooneysa inay yareyso ku tiirsanaanta shidaalka ee dalkeeda, kaddib markii uu dhawaan aad u sabeeyay sicirka shidaalka ee suuqyada caalamka.  Dowladda Isu-tagga Imaaraat-ka Carabta ayaa sidoo kale canshuur gaareysa bqolkiiba 5% kusoo rogtay alaabaha la iibiyo.

Amarka boqorka ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta isticmaala adeegyada gaarka ah sida caafimaadka iyo adeegyada waxbarasho ay dowladdu ka caawin doonto bixinta canshuuraha.

Sidoo kale ciidamadda milatariga ee jiida hore uga jira dagaalka ka soconaya Yamen ee ka dhanka Xuutiyiinta ayaa sidoo kale loo qoondeeyay lacaga gaaraya in ka badan $1,000.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON