Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Bin C/casiis ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga Boqortooyada.
Kulanka waxaa ka horeeyay Qado sharaf Boqorku ugu sameeyay Qasriga Salaam ee magaalada Jiddah, halkaasoo ay kasoo qeyb galeen amiiradii ugu tirada badnaa ee Boqortooyada Sacuudiga.
Kulanka madaxweynaha Soomaaliya iyo Boqorka Sacuudiga ayaa wakaalada wararka Sacuudiga ay sheegtay in looga hadlay xiriirka labada dal, xaaladda Gobolka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Sacuudiga.
SAWIRRO