Tuesday, July 15, 2025

Boqorka Sacuudiga oo xilkii ka qaaday Wasiir caan ah & Isku shaandheyn lagu sameeyay Golaha wasiirada

Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdalla ayaa sameeyay isku shaandheyn ugu horeysay ee Golaha Wasiirrada Boqortooyada, iyadoo xilalkii laga qaaday qaar aka mida wasiiradii muhiimka ahaa.

Wasiirada xilka laga xayuubiyey waxaa ka mid ahaa Wasiirkii Arrimaha dibadda Caadil Al Jubeyr, waxaana hoos looga dhigay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Sacuduiga, iyadoo xilka wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga loo magacaabay Ibrahim Al-Casaaf oo ahaa wasiirka Batroolka ee Sacuudiga.

Go’aanka maanta ka soo baxay boqorka Sucuudiga ayaa xilka wasiirka arrimaha dibadda loogu magacaabay Ibrahim al-Assaf, oo xafiiska ka baddali doona Caadil Al Jubeyr. Waxaa kaloo wasiirka Ilaalada qaranka Sacuudiga loo magacaabay Cabdalla Bin Bandar.

Xil ka qaadista wasiirkii arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa loo arkaa inuu ka dambeeyay sidii gaabiska ahayd ee uu uga hadlay kiiskii weynaa ee Sacuudiga soo wajahay, kaasoo ahaa dilka weriye Jamal Kashoqgi, waxaana loo arkay inuu ahaa mas’uul aad u liita oo aan difaaci karin Boqortooyada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON