Friday, April 26, 2024

Boqortooyada Sacuudiga 70 sano kadib ogolaatay inay hawadeeda maraan Diyaaradaha rakaabka ee u socda Israa’iil [Daawo]

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ogolaatay in hawadeeda ay maraan diyaaradaha u socda ama ka yimaada Israa’iil.

Arrintan ayaa ah markii ugu horeysay ee ay dhacdo muddo 70 sano ah oo ka dhigay intii la dhisay dowladda  Israa’iil oo dhulka Falastiiniyiinta ay qabsadeen sanadkii 2018. Diyaaradii ugu horeysay ee adeegsata ayaa noqotay diyaaradda Air India oo ka timid New Delhi, una socotay magaalada Tel aviv, iyadoo dul martay hawada Sacuudiga, waxaana arrintan mid taariikhi ah ku tilmaamay wasiirka socdaalka Yuhudda.

Diyaaradan ayaa nooceedu ahaa Boeing 787 waxayna xalay saqdii dhex ka hor ka degtay magaalada Tel aviv, iyadoo arrintan lagu micneeyay Sacuudiga oo si weyn ugu dhowaanaya dalka Israa’iil kadib markii dhaxalsugaha cusub ee dalkaasi uu dalkaasi ku soo rogay isbedello waaweyn.

Ad

HOOS KA DAAWO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON