Tuesday, June 24, 2025

Boqortooyada Sacuudiga oo Haweenkii ugu horreeyay siiyey Leysinka Wadista Gawaarida

Xukuumadda Sacuudiga ayaa markii ugu horreysay haweenka dalkaasi siisay ruqsadda ama Lleysinka gawaarida muddo toboneeyo sano ah.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo toddobaadyo uun ay inaga xigaan marka sida rasmiga ah loo qaadayo mamnucidda in haweenka dalkaasi ay gawaarida kaxeeyaan. Toban haween ah ayaa dhowr magaalo oo ka tirsan dalkaasi waxa ay badaleen laysinkii ajnabiga isla markana waxa ay ku badaleen leysinka Sacuudiga .

Hase yeeshee kooxaha u dooda xuquuqda haweenka ayaa cabasho ka muujiyay howlgalo dhowr qof lagu xiray. Waxaa imika la filayaa in marka la gaaro 24 June ay bataan tirada haweenka soo codsanaya laysimada gaadiidka.

Horey haweenka Sacuudiga looma ogolayn inay gawaarida kaxeeyaan, waxayna ahayd arrin si weyn loogu cambaareeyo dalkaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON