Saturday, July 12, 2025

Boqortooyada Sacuudiga oo shaacisay Go’aan ku saabsan Bisha Ramadaan iyo Berri oo noqoneysa 30-ka..

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in la waayey bishii Ramadaan ee maqribnimadii Caawa laga raadiyey Gobollada Boqortooyada, iyadoo go’aan ay maxkamadda sare ee dalkaasi kasoo saari doonto maqribnimada Berri oo Axad ah.

Bayaan ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Sacuudiga ayaa lagu sheegay in dadaal dheer oo lagu raadiyey dhalashada bisha Ramadaan aysan suuragelin la arko, iyadoo daruuro waaweyn iyo xaalad roob ay ka jirtay dalkaasi, sidaasina lagu go’aamiyey in berri ay noqoneyso 30-ka bisha Shacaab,

Go’aanka Sacuudiga ayaa noqonaya in Isniinta oo ku beegan 6-da May 2019 ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Ramadaan, sida ay qaateen dalal badan oo carbeed iyo kuwa Khaliijka.

Maxkamadda ayaa dadweynaha dalkaasi uga dalbatay inay raadiyaan dhalashada bisha, iyado maanta ay ahayd 29-ka Shacbaan, sidaasina go’aanku ku soo baxay markii la waayey cid aragtay dhalashada bisha Ramadaan ee sanadkan 1440.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON