Friday, June 27, 2025

Brundi oo ka noqotay inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya [Heshiis ay saxiixday]

Dowladda Brundi ayaa dib uga laabatay go’aankeedii ahaa inay ciidamadeeda kala baxeyso howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM.

Wafdi ka socday Midowga Afrika oo uu hogaaminayay madaxa ammaanka iyo nabadda ismail Chergui ayaa tegay caasimadda Bujumbura, halkaasoo wadahadal ay kula yeesheen madaxda dalka Brundi, waxaana lagu saxiixay heshiis ku saabsan mushaarka ciidamada Brundi ee jooga Soomaaliya.

Wafdiga Midowga Midowga Afrika ayaa sheegay in dhowaan la bixin doono mushaarka ciidamada oo muddo ku dhow sanad aan la siin.

Chergui  ayaa sheegay xilligan uu yahay mid adag oo la isu diyaarinayo in Alshabaab lagu qaado guluf weyn, wuxuuna caddeeyay in Midowga Yurub oo dhaqaalaha AMISOM bixiya iyo dowlada Brundi ay ku qanacsan yihiin is-fahamka cusub ee laga gaaray arrinta mushaarka ciidamada, iyado Midowga Afrika la marsiin doono lacagtaasi.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON