Sunday, June 22, 2025

Burcad abaabulan oo halis ku heysa Ganacsigii Suuqyada Muqdisho (Aaway Booliskii & Maamuka G/Banaadir?)

Kooxo Bucrad abaabulan oo dhac u geysta dadka iyo ganacsatada ayaa sii kordhaya, iyagoo fara ba’an ku haya Ganacsigii suuqyada waaweyn ee magaalada Muqdisho.

Qeylo dhaantii ugu horeysay ayaa kasoo yeertay suuqa Xamarweyne, waxaana Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada degmada Xamar Weyne Maxamuud Cali Xasan  uu sheegay in dhibaato badan ay ka jirto degmada, kana furan yahay suuqa lagu iibiyo telefoonada ay magaalada kasoo dhacaan kooxaha burcadda ah.

Wuxuu ku baaqay in ciidamo la keeno degmada Xamarweyne si ay uga hortagaan kooxaha dhaca ka geysta Magaalada Muqdisho ee ku ganacsada Degmada Xamar weyne, isagoo caddeeyay inay marar badan la wadeegaan madaxda G/Banaadir oo aysan waxba ka qaban.

Ad

Qelo dhaantii labaad ayaa saaka ka timid suuqa ugu weyn Muqdisho ee bakaaraha, waxaana saaka ka dhacay suuqaasi dhac baahsan oo kooxo burcad ah ay geysteen markii ay galeen Maqaayad ku dhow suuqa Daawada oo ay baarteen dadkii halkaasi ku sugnaa oo dhan.

Kooxahan ayaa wata mootooyinka nooca Bajaajta, waxayna ku kallaan suuqa Bakaaraha, iyagoo ganacsatada iyo dadka suuqa ku socda ka qaata wixii ay heystaan, waxayna toogtaan qofkii diida in la dhaco.

Ganacsatada suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in subaxdii hore aysan furi karin ganacsiyadooda, ayna soo korortay kooxahan wadooyinka suuqa taagan iyadoo aan cidna ka baqeynin oo qaarkood ay ku lebisan yihiin dharka ciidamada milateriga, halka qaar kale ay shacab yihiin.

- Advertisement -

Muddo ku dhow 20 maalmood ayaa cabsi xoog leh ka jirtaa suuqa Bakaaraha, kadib markii ay sii kordheen falalka burcadnimada ah ee suuqa ka dhaca, waxaana suuqaasi hadda qarka u saaran yahya inaan la furin subaxdii hore.

Ciidamada Booliska G/banaadir, maamullada degmooyinka iyo G/Banaadir ayaa u muuqda inaysan wax tallaabo ah ka qaadin xaaladda cusub ee ku soo korortay amniga G/Banaadir, iyadoo hore ugu caal waayey weerarrada iyo dilalka qorsheysan ee Alshabaab ayaa ilaa  hadda aysan u tallaabo qaadin wax ka qabashada burcadda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON