Tuesday, July 1, 2025

Burcad si xirfadeysan u dhici jiray shacabka Muqdisho oo lagu qabtay Degmada Wardhiigley

Ciidamada Amniga ayaa gacanta ku soo dhigay koox Burcad ah oo la sheegay inay si xirfadeysan u dhici jirtay dadka ku nool degmada Warshiigley.

Laba nin oo ku qaraaban jiray Bistoolado ka sameysan alwaax oo been abuur ah ayaa lagu soo bandhigay xarunta degmada Wardhiigley, iyadoo isla goobta lagu soo bandhigay Mobile-ladii ay dadka ka dhaceen.

Guddoomiyaha degmada Wardhiigley  Seynab Maxamuud Warsame Xaabseey ayaa sheegtay in shacabka ku nool Xaafadaha degmada ay ka qeyb qaateen soo qabashada raggaas burcad ah.

Guddoomiyaha gobolka Banadir C/raxmaan Yariisow ayaa kasoo muuqday goobtii labada nin ee tuugada ahaa lagu soo bandhigay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON