Tuesday, June 24, 2025

Buugga laga qoray Aqalka Cad oo soo xigtay in Trump & Wiilkiisa ay Afgembi ka rideen Sacuudiga [Akhriso]

Warar laga soo xigtay buugga laga qoray sanadkii uu Aqalka Cad ee Mareykanka ka talinayay Donald Trump ayaa sheegaya arrimo sir ah iyo dhaqanka Trump, waxaana ka mida in afgembi cad ay ka direen Boqortooyada Sacuudiga.

Buugga  “Fire and Fury: Inside the Trump White House” oo uu qoray nin lagu magacaabo Michael Wolff ayaa soo xiganaya dad kala duwan oo uu ka mid yahay Steve Bannon oo ahaan jiray kaaliyihii istiraatiijiyadda Aqalka Cad iyo xubno kale oo ku dhow Trump. Warka ugu weyn ee 24-kii la hadal hayay ayaa ah in Trump uu saaxiibadii u sheegay in Ninkii ay wateen uu la wareegay talada Sacudiga, markii dhaxal suge cusub laga dhigay Maxamed Bin Salmaan.

“Trump ayaa u sheegay saaxiibadiisa in isaga iyo Jared Kushner (Wiilka uu Soddoga u yahay) ay ka shaqeeyeen inay afgembi ka ridaan boqortooyada Sacuudiga: “Waxaan ninkii aad wadanay dhigtay halka u sareysa” ayaana laga soo xigtay sida Buugga ku qoran.

Warkii ugu horeeyay ee buugga laga soo xigtay sida warbaahinta Mareykanka baahisay in “la kullankii koox Ruushka ka socotay oo wiilka Trump uu fadhiyay” uu ahaa “khiyaano” iyo in Trump  laftiisa ay amakaag iyo fajac ku noqotay in uu ku guuleystay xilka madaxweynaha Mareykanka.

Qareennada Trump waxay ku dadaaleen in ay hor istaagaan daabacaadda buugga oo Aqalka Cad uu aad uga careysan yahay: Waxaa loogu maagacdaray Gudaha Aqalka Cad ee Trump, waxaana qoray Michael Wolff. Buugga ayaa hadda la iibinayaa.

Waxyaabaha ku qoran buugga

  • Buugga oo la yiraahdo Fire and Fury: Inside the Trump White House, waxaa ku qoran arrimo aad xaasaasi u ah sida:
  • In Bannon uu aaminsan yahay in kulan dhex maray Donald Trump Jr iyo koox Ruush ah uu ahaa “khiyaano qaran”.
  • In kooxda Trump ay ka naxeen oo ka anfariireen guushii uu ka gaaray doorashada.
  • In xaaskiisa, Melania, ay ilmaysay habeenkii doorashada.
  • In Mr Trump uu ka xanaaqsanaa in xiddigaha caanka ka ah Maraykanka ay caleemasaarkiisa ka maqnaayeen.
  • In Aqalka cad uu yahay “meel laga welwelo ama xataa laga yara baqo”.
  • In gabadhiisa, Ivanka, ay iyada iyo ninkeeda Jared Kushner qorshaynayeen inay noqoto “marwada 1aad ee madaxweynaha”.
  • Inay inqilaab cad ka rideen Sacuudiga oo ay halka sare geeyeen ninkii ay wateen ee Maxamed Bin Salmaan.

Buuggan muranka dhaliyay ayaaka kooban yahay illaa 200 oo wareysiyo, waxaana la filayey inuu soo baxo 9-ka Bisha Janaayo, taas bedelkeedna waxaa lasoo saaray maanta iyadoo ay si weyn uga caroodeen Trump iyo kooxdiisa oo ku fashilmay inay joojiyaan daabicistiisa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON