Tuesday, July 1, 2025

Buugga ‘Xog iyo Xusuusreeb’ ee uu qoray Wasiir Cabdi Canshuur oo Muqdisho lagu Daah furay

Waxaa magaalada Muqdisho xalay lagu daah furay Buugga: ‘Xog iyo Xusuusreeb’ ee uu qoray Wasiirkii hore Boostada iyo Isgaarsiinta Eng Cabdi Canshuur Xasan.

Buuggan ayaa ka kooban 10 Cutub, oo labada qeybood ee ugu horeysa ay ka hadlayaan nolosha iyo waxbarashadii Injineerka, Cutubyada 3 ilaa 9 ayaa iyaguna ka hadlaya intii uu xilka Wasaarada hayey muddo 3 sano iyo Bar ah wixii u qabsoomay iyo caqabadihii ka hor yimid iyo xogaha uu la wadaagayo dadka.

“Buuggan waxaan uga hadlayaa waayahaygii nololeed iyo shaqo illaa xilkii ugu dambeeyay ee aan qabtay. Waxaan si faahfaahsan u sharxayaa waxyaabihii noo qabsoomay, caqabadihii la xalliyay iyo waxyaabaha weli qabyada ah. Waxaan sidoo kale ka faalloonayaa qaar ka mid ah caqabadaha hortaagan dowlad-dhiska Soomaaliya, anigoo soo bandhigaya tallaabooyin aan isleeyahay wax baa looga qaban karaa” ayuu yiri Eng. Cabdi Canshuur.

Wuxuu sheegay in ujeeddda uu buugga u qoray ay ahayd inuu xisaab celin iyodhaxal reeb u sameeyo jiilashada soo socda. “Qof kasta oo mas’uuliyad loo dhiibo xogta uu hayo isaga ma laha, waa inuu bulshada us oo celiyo”.

Wasiirkii hore Boostada iyo Isgaarsiinta Eng. Cabdi Canshuur Xasan wuxuu buugga kusoo bandhigay arrimo ay tahay in laga doodo oo su’aalo laga iska weydiiyo, kuwaas oo caqabad ku ah dowladnimada, sida: su’aasha ah: Wasiirku horta yuu matalaa.? Ma Qabiiliisa mise waa mas’uul Qaran..?.

“Wasiir kasta reer ayuu ku fadhiyaa, reerkiisa ayaa la xisaabtamaya, Qarankaanoow horta adiga yaa ku matala..?” ayuu is-weydiiyey Eng. Canshuur oo sheegay in wixii uu la kulmay uu kusoo ururiyey buugga.

Waxaa xafladda bandhigga Buugga ‘Xog iyo Xusuusreeb’ ka hadlay mas’uuliyiin badan oo Wasiir Canshuur ku bogaasiyey Buugga uu qoray iyo dhaxalka uu reebay, iyagoo ku tilmaamay geesi u bareeyay inuu xaqiiqada soo bandhig.

C/laahi Sheekh Cali (Qaloocow), wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, oo ka mida Odayaasha xukuumadda ayaa ku ammaanay Eng. Cabdi Cashuur sida uu ugu dhiirraday inuu ka hadlo waxyaabaha naga khaldan iyo sida loo sixi karo.

“Buugga Af-soomaali fudud oo qof waliba uu akhrin karo ayuu ku qoray, aad ayuu u mahadsan yahay. canshuur geesi geesi ka tegay waaye… cutubka ugu danbeeya wasiir ka hadi kara khaladka jira sheegaya, isagaa iigu horeeya oo is weydiiya: Wasiirku ma beel ayuu wasiir u yahay misę Qaran?. taaariikh fiican baad ka tagtay..” ayuu yiri Wasiir Qaloocow.

Wasiirkii hore waxbarashada C/raxmaan Daahir ayaa isna bogaasiyey qoraalka buugga iyo wasiir Canshuur ugu dhiiraday, wuxuuna sheegay inaan la qiimeynin wasaaaradaheena dadka adeega ay u sameeyaan iyo qaabka ay u siiyaan iyo musuq maasuqa weyn oo ka jira meesha.

Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar ayaa wasiir Canshuur Buuggiisa ku sheegay mid dhaxal ah oo loo baahnaa, isla markaana uu yahay buug inta uu ka akhriyey soo jiidasho leh oo wax badan iftiiminaya.

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee buuga soo akhriyay ayaa isna ka hadlay waxyaabaha dareenkiisa soo jiitay ee buugga ku qoran iyo waxyaabaha uu ku talin lahaa in lagu daro mustaqbalka.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Dr Fowsiya Abiikar Nuur oo ay soo wada shaqeeyeen wasiir Cabdi Cashuur ayaa ku bogaadisay inuu ku dhiirraday qoritaanka, isla markaana soo bandhigo waxyaabihii u qabsoomay iyo caqabadihii uu la kulmay oo in badan oo ka mida ay goobjoog u ahayd.

Buugga cusub ee ‘XOG IYO XUSUUSREEB’ wuxuu xambaarsan yahay macluumaad ku saabsan noloshii, waxbarashadii, shaqadii iyo waxqabadkii Eng. Cabdi Canshuur Xasan, waxaana si soo jiidasho leh u soo bandhigayaa dhacdooyin xaqiiqo ah oo ku saabsan dowladnimada Soomaaliya, caqabadaha hortaagan iyo sida xal loogu heli karo.

Waxaad ka heli kartaa xarumaha lagu iibiyo Buugaagta ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan Maktabadda HUDHUD.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON