Sunday, July 13, 2025

C/casiis Lafta-gareen oo Degaanada K/Galbeed ka mamnuucay Shirarka siyaasadda

Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya ayaa mamnuucay in shirar siyaasadeed lagu qabto degaanada Maamulkaasi, sida uu shaaciyay Wasiirka Amniga K/Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi.

Wasiirka ayaa sheegay inay jiraan siyaasiyiin doonaya inay qalqal siyaasadeed geliyaan gobolka, taasina aanu maamulka ogoleyn, iyadoo guud ahaan degaanada Koonfur Galbeed laga mamnuucay shirarka siyaasadeed.

Tallaabadan ayuu ku dhaqaaqay madaxweynaha K/Galbeed, kadib olole ay magaalada Baydhaba ka bilaabeen siyaasiyiin sheegay inay yihiin mushariixint u taagan xilka madaxweynaha K/Galbeed.

Waxaa siyaasiyiintaasi ugu danbeeyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bakool Shiine Macallin Nuurow oo shaaacisay inuu yahay musharax u tagaan xilka madaxweynaha K/Galbeed.

C/casiis Lafta-gareen ayaa wajahaya cadaadis uga imaanaya siyaasiyiinta degaanadiisa oo doonaya inuu doorasho galo aakhirka sanadkan, halka isaguna uu doonayo inuu sanad kale sii joogo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON