Monday, July 14, 2025

C/kariin Guuleed: “Dhallinyarada laga Dagaal geliyey Itoobiya waa Qiyaano Qaran, haddii ay…”

C/kariin Xuseen Guuleed oo ka mida mushariixinta xilka Madaxweynaha Doorashada 202 ayaa khiyaano Qaran ku tilmaamay dhaliyarrada Soomaaliyeed ee laga dagaal geliyey Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, haddii ay sugnaato.

“Hadii ay caddaato iney arrintan dhacday oo dhallinyaradaas la galiyay dagaalkii ka socday Itoobiya, waa qiyaano Qaran oo weyn, waxeyna ka culus tahay wax walba oo ay Dowladda Farmaajo ku kacday intii ay xilka heysay, waxeyna u baahan doontaa isla xisaabtan culus oo deg deg ah” ayuu yiri C/kariin Guuleed oo ka hadlay wararka sheegaya in askar Dowladda Soomaaliya tababarka ugu dirtay Eritrea in ay ka qeyb qaateen dagaalkii gobalka Tigreega halkaasi lagu xasuuqay.

“Waa war hadduu sugnaado aad u culus, xanuun badan, anfariirleh, oo abuuri kara mowjado culus oo dalka dhexdiisa ah. Waa arrin nooga baahan baaris,dabagal dheeri ah iyo hubin. Waalidiin badan oo caruuri ka maqantahay ayaa nala soo xiriiray. Ilo dhinaca Itoobiya ah ayaa sidoo kale arrinta xoojinaya, laakiin culeeska ay arrintani leedahay darteed waxaan ku daba jirnaa in aan helno raqda iyo ruuxdii dhallinyaradaas habeenka madow laga daad gureeyay dalkooda, ayagoo hamigoodu ahaa inay dalkooda difaacaan” ayuu yiri Musharax C/kariin Guuleed.

Wuxuu ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka inay arrintani caddeymo cad ka bixiyaan ayna uga dhuuman sidii arrimihii hore, una jawaabaan waalidka caruurtoodii maqan tahay oo ay dadka Soomaaliyeed-na ka qanciyaan sida ay wax u dhaceen iyo xaalka askartaas.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON