Waxaa maanta magaalada Kismaayo gaaray oo C/Kariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo ka mida saraakiisha Ururka ONLF oo dowladda Soomaaliya ay hore ugu gacan gelisay Itoobiya, iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay Garoonka Kismaayo.
Qalbi-dhagax oo socdaal ku maraya gobolo ka mida Soomaaliya ayaa hore u tegay Hargeysa, Boosaaso, Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb, wuxuuna ka baaqsaday inuu tago magaalooyinka Cadaado iyo Muqdisho arrimo siyaasadeed dartood.
Waxaa si weyn u soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland iyo dadweynaha magaalada Kismaayo oo sitay Calanka ONLF, iyagoo tubnaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, iyadoo kadibna loo galbiyeyXarunta Madaxtooyada Jubbaland oo uu kula kulmay madaxda Juballand.