Monday, July 14, 2025

Cali C/lahi Cosoble: “Goodax ayaa Aabe u ah jahawareerka Hirshabelle, isaga ayuu Xasan Sheekh u dhiibay inuu dhiso”

Madaxweynihii hore ee HirshabEelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa ku eedeeyay Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre inuu ka danbeeyay aabe-na u yahay qalalaasha iyo fowdada ka taagan Hirshabeelle.

“Wasiir Goodax waa khaldan yahay, isaganaa aabe u ah in degaankaasi jahawareer galo, sababtoo ah markii la dhisayey Hirshabeelle.. Isaga ayuu Xasan Sheekh u dhiibay, kana dalbaday inuu dhiso Hirshabeelle, wixii ay ku qanci karaan Abtiyaashiisna wax u sameeyo.. Goodax waa dayacay mas’uuliyaddii, umcaarad ayuuna ka nqoday.. fowdada isagaa bilaabay Hirshabelele oo aan la sameynba.. ” ayuu yiri Cali C/llaahi Cosoble.

Isagoo ka jawaabayay in lagu bah-dilay Jowhar oo maamulkii Hirshabelle shaqeyn waayey intii uu madaxweynaha ka ahaa ayuu beeniyay Cali C/llaahi Cosoble. “Goodax isagoo Wasiirka Arrimaha Gudaha ayuu beeshiisa duudsiiyey xuquuqdii ay ku lahayd Jubbaland, wuxuu dayacay xuquuqidii ay ku lahayd K/Galbeed; haddana Sh/Dhexe inuu yiraaado waxba lagu darsan maayo.. taas ayaan anagu diidnay oo aan u tagnay Jowhar… Reer Hiiraan mucaaradnimada isagaa saldhig u ahaa iyagoo ogol labada gobol isku darkooda iyo in gogosha la dhigo Beledweyne, isaga ayaa ka sahqeeyay in gogoshii la dhigo Jowhar, caasimaddana la geeyo Buuloburte… Qaska Hirshabelele isagaa dhalay” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Hirsahbeelle oo wreysi siiyay VOA-da.

Cali C/llaahi Cosoble ayaa waxba kaan jiraan iyo arrin aan wax macno ah ku fadhin ku tilmaamay warka kasoo yeeray Xildhibaan C/llaahi Goodax oo ahaa in Gobolka Hiiraan uu doonayo inuu keligiis gooni isu taago.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA

https://av.voanews.com/clips/VSO/2020/12/12/b370d373-044a-4937-a5cf-62f63f7e2121_48k.mp3

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON