Monday, August 4, 2025

C/llaahi Gaafow oo isu sharxay Kursi Xildhibaan ka mida Baarlamaanka Somalia oo Walaalkiis iska casilay

Taliyihii hore ee ciidamada NISA Gen. C/llaahi Gaafow Maxamed ayaa isu soo sharxay kursi ka tirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kasoo uu dhowaan iska casilay nin la dhashay oo lagu magacaabo C/qaaddir Gaafow Maxamed.

Xildhibaanka is casilay ee C/qaadir Gaafow Maxamuud ayaa ka mid ahaa Xildhibaanadii sanadkii 2016 lagu soo doortay magaalada Cadaado, iyadoo doorashadii dacwad xoog leh ka dhalatay, isla markaana Gen. Gaafow lagu eedeeyay inuu u xagliyey walaalkiis, isagoo awood adeegsanaya.

Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta shaaciyey inuu xilka iska casilay Xildhibaan C/qaadir Gaafow, balse lama sheegin sababta keentay is-casilaadiisa.

Jen. C/llaahi Gaafow oo sanad ka hor laga qaaday Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, horena muddo dheer u ahaa taliyaha hoggaanka socdaalka ayaa muddooyinkii danbe ka joogay xilalka dowladda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON