Tuesday, July 1, 2025

C/llaahi Goodax: “Farmaajow haddii aad Dagaal qaadid Adigaa ugu horeeya oo ku dhimanaya…”

Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa digniintii ugu danbeysay u diray madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xildhibaan Goodax ayaa Farmaajo uga digay inuu dagaal ka oogo magaalada Muqdisho oo xaaladii uu waddanka geliyey kusoo qatimo in isagii lagu dhex dilo iyo sumcad darro, wuxuuna ugu baaqay inuu ka fiirsado waxa uu sameynaayo.

“Farmaajow Haddaad dagaal qaadid meel aad ka baxeysid ma jirto,.. Garoonka haddaad aadi lahayd kama bixi kartid AMISOM ayuu u xiran yahay… haddaad magaaladaasi dagaal ka kicisid waxaad ku talogashaa inaa ku dhimaneysid. Uma muuqatid nin naftiisa ka naxaaya, laakiin sumcad darro meesha aad Waddanka geysay haku soo qatamin inaad ku dhex dhimatid..” ayuu yiri C/llaahi Goodax Barre.

Arrintan ayaa ka danbeysay, kadib markii khilaafka u dhaxeeya Ra’iisal wasare Maxamed Xuseen Rooble iyo Maxamed Farmaajo uu cirka isku shareeray, kaasoo ka dhashay sarkaal ka tirsan NISA oo la waayay, kadibna la sheegay in la dilay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON