Musharaxa xilka madaxweynaha maamulka Jubbaland ee ka mida garabka muraaaradka C/naasir Seeraar ayaa digniin u jeediyey xildhibaannada iyo Senatoorada Kismaayo u tegay inay kala dagaalamaan dowladda Federaalka.
Isagoo ka hadayay dhaarinta xildhibaannada Garabkooda ayuu si kulul u weerarray Senatooro ka tiran Aqalka Sare oo uu ka magacaabay C/raxmaan Faroole iyo Cumar C/rashiid oo uu sheegay inay ku fashilmeen shaqadii loo igmaday taas bedelkeedana ay Kismaayo u joogaan dano u gaara inay halkaasi kala dagaalamaan dowladda Federaalka.
“Faragelin baa lagu hayaa Puntland, waxaana ku haya niman senatoro ah oo dowladda Federaalka raba inay kala dirirraan Jubaland dhexdeeda oo raba inay 2020 wax ka noqdaan, kuna soo fashilmay xilkoodii,, qaarkood waxay joogaan Garowe Faroole ayaa ka mida iyo Cumar C/rashiid.. Waxaan leenahay dowaldii Federaalka ah ee aad ka tirsaneydeen inaan halkan kala dagaalantaan idinkama yeelneyno…” ayuu yiri C/naasir Seeraar.
Wuxuu ka digay inay Jubbaland hadda daba qabasho leedahay, inta aysan dhicin in laba dowladood ay yeelato, wuxuuna sheegay in laga hortago damaca Alshabaab ee ah inay weerarro ku soo qaadaan xilliyadan lagu mashquulsan yahay Doorashada.