Sunday, July 13, 2025

C/rashiid Janan oo Caawa laga dejiyay Muqdisho iyo kulan uu la yeelanayo Maxamed Farmaajo

Wasiirkii hore ee Amniga C/rashiid Xasan C/nuur (Janan) iyo xubnihii Wafdiga dowladda ee uu ka mid ahaa Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin ayaa Caawa Maqribkii ka degay magaalada Muqdisho, iyagoo ka duulay degmada Doolow.

C/rashiid Janan iyo wafdiga dowladda ayaa caawa ku sugan Muqdisho, waxaana la sheegay inay kulan la yeelan doonaan Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo la dhammeystirayo heshiis dhex maray labada dhinac.

Galabta ayuu C/rashiid Janan si rasmi ah u wareejiyey ciidamadiisii iyo gaadiidkii dagaal, wuxuuna khudbad uu ka jeediyey ciidamadaasi oo ka mid noqonaya kuwa dowlada, isla markaana la diiwaan gelin doono si mushaar loogu bilaabo.

Dowladda Federaalka ayaan weli faahfaahi n ka bixin qodobadda heshiiska ay la gashay C/rashiid Janan oo hore u ahaa maxabuus ka baxsaday cadaaladda oo ay baadigoobeysay.

May be an image of one or more people, people standing and outdoors
May be an image of outdoors
May be an image of one or more people, people standing and military uniform

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON