Tuesday, June 24, 2025

C/raxmaan C/shakuur: “Madaxweynuhu waa inuu runta ka sheego wadahadalladii Addis & Nairobi…”

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo hogaamiya mid ka mida xisbiyadda siyaasadda ayaa xadgudub ku tilmaamay in madaxtooda Somalia ay shaaciso inaan lasoo hadal qaadin arrintii khilaafka ka dhashay kulankii Nairobi ku dhex maray madaxda dalalka Somalia, Kenya iyo Itoobiya.

“‘Waa xadgudub lagula kacayo caqliga iyo garaadka shacabka Soomaaliyeed, in ay Madaxtooyada Soomaaliya tiraahdo Keenya iyo Soomaaliya way heshiiyeen iyaga oo aan soo hadal qaadin xuduntii khilaafka dhalisay…” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo farriin uu soo diray ku sheegay inay waajib Dastuuri iyo mid Waddani ah tahay in shacabka Soomaaliyeed runta loo sheego.

“Madaxweynuhu waa in uu runta ka sheego wadahalladii (Addis Ababa iyo Nairobi) lagula yeeshay. Saxaafadda Soomaalida waa in aysan soo minguurin qoraalka Madaxtooyada Soomaaliya ee waa in ay baaritaan dheeraad ah samaysaa, su’aalo wax ku ool ahna la timaado..” ayuu farriintiisa ku yiri C/raxmaan C/shakuur.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON