Friday, July 11, 2025

C/raxmaan C/shakuur: “Ololaha Doorashada Mukhtar Robow soo abaabulay Madaxtooyada iyo Hay’adda NISA”

Siyaasiyga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in musharaxa madaxweynaha maamulka K/Galbeed Mukhtaar Roobow Cali laga soo abaabulay Madaxtooyada Soomaaliya.

C/raxmaan C/shakuur oo ka mida siyaasiyiinta mucaaradka ah ee sida weyn u dhaliila dowladda Federaalka iyo madaxdeeda ayaa ku eedeeyay Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxtooyada iyo Madaxda Hay’adda NISA inay wataan musharaxa Sheekh Mukhtaar Roobow.

“TV-ga Qaranka Soomaaliya wuxuu baahinayaa warbixinta Mukhtaar Roobow. TV-ga Qaranku marna ma baahin muuqaal ku saabsan Xisbiyada dalka ka jira…. Tani waxay caddeyn u tahay in ololaha doorashada Mukhtaar Robow laga soo abaabulay Madaxtooyada iyo Hay’adda NISA..” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo qoraal eedeyn ah ku qeybiyay baraha bulshada.

HOOS KA DAAWO WARKA TV-GA DOWLADDA KA DIYAARIYEY MUKHTAAR ROOBOW

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON