Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa digniin u diray xildhibaannada Baarlamaanka oo maanta dooranaya guddoomiye cusub, kadib markii uu cadaadis la saaray uu isu casilay guddoomiyihii hore Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
C/raxmaan C/shakuur ayaa farriin uu diray ku sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka looga baahan yahay doorashada Gudoomiye kala sooci kara awooda Golaha Shacabka iyo Xukuumada.
“Haddii awooda Baarlamaanka iyo xukuumada hal gacan galaan wuxuu dalku halis ugu jiraa kali talisnimo cusub oo dagaal sokeeye keeni karta… Hadii ay hay’adda sharci dejinta iyo laanta fulinta galaan gacanta hal ruux xoriyad ma jiri karto, waxaa badanaya cabsida iyo argagax gelinta, waxaa la dejinayaa sharciyo kali talisnimo oo loo fuliyo si kali talisnimo” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.
Waxaa jira tuhun weyn oo ku saabsan in musharax madaxtooyada iyo xukuumadda oo ah wasiirkii hore ee Gaashaandhigga uu ku soo baxo doorashadan.