Waa markii ugu hroeyay ee C/raxmaan C/shakur uu tago Villa Somalia intii ay dowladda Madaxweyne Farmaajo weerar ku qaaday Gurigiisa oo ay dhaawacday, ilaaladiisiina dishay
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa markii ugu horeysay tegay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, kadib markii uu kulan ugu yeeray Ra’iisal wasaaraha cusub Maxamed Xusen Rooble.
Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo C/raxmaan C/sakuur ayaa ka mida shirar wadatashi ah oo Ra’iisal wasaaraha la yeelanyo dhinacyada siyaasadda, ka hor inta aanu soo dhisin Golihiisa Wasiirada cusub.
“Kulan saacado qaatay ayaan maanta wada yeelanay Raysal wasaare Maxamad Xuseen Rooble. Kulanka oo uu Raysalwasaare Rooble igu martiqaaday ayaa iswaraysi iyo talo jeedin ahaa. Waxaan si gooni ah diirada u wada saarnay arrimaha mudnaanta leh oo ay ugu horayso doorashada oo xiligeeda ku dhacda si cadaalad iyo sinaan lehna u dhacda. Waxaan uga mahadcelinaya Raysalwasaaraha kalsooni gelinta ku aaddan in uusan doonaynin wax muddo kordhin ah, daddaal walbana uu isugu gaynayo sidii doorshada xilligeeda ugu qabsoomi lahayd, iskuna deyi doono in uu dadka u sinaado. Waxaan kaloo u mahadcelinaya Xildhibaan Abtidoon yare oo fududeeyay qabsoomida kulanka.” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo qoraalkan kasoo saaray kulankii uu la yeeshay Ra’iisal wasaare Rooble.
Xalay ayuu la kulmay Guddonka Golah Shacbka, waxaana lagu wadaa inuu kulamo kale la yesho madaxda mucaaradkda iyo siyaasiyiinta kala duwan.
Waxaa aad u yar waqtiga uu heysto Ra’iisal wasaare Rooble oo shaqada ugu weyn ee laga sugayo ay tahay qabashada Doorashada 2020/2012.

