Siyaasiyiin, saxafiyiin iyo shaqsiyaad caan ah ayaa siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ka dalbadya inuu raaligelin ka bixiyo hadal kasoo yeeray markii xabsiga laga sii daayey oo meel kac loo arkay.
Siyaasiga ayaa laga soo xigtay hadalladan: “Waxaa guul ah in innagii martida naloo ahaa aan sharciga wax ku raadino, halka kuwii martida noo ahaa ey xoog wax ku raadinayaan” , waxaana baraha bulshada oo dhan ku baahay video codkiisa lagu baahiyey.
Siyaasiyiin badan ayaa ku soo biiray dalabka loo dirayo C/raxmman C/shakuur oo ah inuu raaligelin ka bixiyo ereyadaasi iyadoo lagu weerary sida uu magaalada caasimadda isu laheysiiyay, kana dhigay mid beel gaara leh.
Jawaabta ka timid C/raxmaan C/shakuur ayaa noqotay inuu dafiro jiritaanka arrintan, wuxuuna bartiisa twitterka ku qoray qoraal ingiriis ah oo u muuqda mid loola jeedo wakiilada beesha caalamka, wuxuuna ku yiri; “Qof kasta oo Soomaali ah xuquuq isku mid ah ayuu ku leeyahay Muqdisho, cidna ma sheegan karto lahaanshaheeda.. Waa dacaayad raqiis ah oo sumcadeyda lagu dilayo, waxaana ka dambeeya dadkii dilay lix qof oo aan waxba galabsan i soo weeraray anigana i afduubtay..”.