Sunday, July 13, 2025

C/raxmaan C/shakuur oo lumiyey xilkii Xildhibaannimo ee Baarlamaanka Federaalka

Siyaasi iyo Musharax hore C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa lumiyey kursigii xildhibaan ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Arrintan ayaa timid, kadib markii uu maanta aqbalay xilka uu u magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh, kaasoo ah Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Soomaaliya, sida ku cad Dastuurka KMG ah ee dalku leeyahay.

Sida ku qoran Qodobka 59-aad ee Dastuurka KMG Xubinimada Baarlamaanka Federalka waxaa lagu lumin karaa haddii Xildhibaanku aqbalo xil dowladeed oo aan wasiir aheyn.

Ma cadda in C/raxmaan C/shakuur iyo madaxweynaha xilka u magacaabay ay koos baxday arrintan iyo in xilkan uu yahay mid bilow ah oo xilal kale loo ballanqaaday, laakiin sharci ahaan waxaa muuqata inuu C/raxmaan C/shakuur uu lumiyey xilkii Xildhibaannimo dadaalka badan uu geliyey inuu ka mid noqdo Baarklamaanka 11-aad.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON