Tuesday, July 1, 2025

C/raxmaan C/Shakuur oo Muqdisho ku soo jeeda & Farriin uu iska soo hor mariyey

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa maanta ku soo jeeda magaalada Muqdisho, kadib markii uu in muddo ah uga maqnaa cadaadis ah saartay dowladda Soomaaliya.

Isagoo farriin kooban u soo diray taageerayashiisa ayuu sheegay inuu waqti yar kadib imaanayo Muqdisho, wuxuuna dowladda ugu baaqay inay dhowrto xaqa isu soo baxa ee xisbiyada iyo taageerayaashiisa ku soo dhoweynayaan.

Imaanshaha C/raxmaan C/shakuur ayaa ku soo beegantay iyadoo ay xaalad kacsan ka jirto caasimadda, kadib mooshinkii shalay laga gudbiyey madaxweyne Farmaajo, waxaana maamulka G/Banaadir uu qabanqaabiyey bannaanbax lagu taageerayo Madaxweyne Farmaajo.

Lama oga in taageerayaasha C/raxmaan C/shakuur ay isu soo baxa u sameyn doonaan soo dhoweyntiisa sida uu sheegay iyo tallaabada ay qaadi doonto dowladda Soomaaliya.

Siyaasigan ayaa dhowaan u sheegay wargeys kasoo baxa magaalada Nairobi inuu magaalada Muqdisho ka dhigi doono xus loo sameynayo weerarkii sanadkii hore ay ciidamada amniga ku qaadeen gurigiisa.

DHAGEYSO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON