Tuesday, July 22, 2025

C/raxmaan C/shakuur oo Qeylo-dhaan kasoo saaray Qorshaha Taliyihii NISA loogu dhiibay Booliska G/Banadir

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa qeylo dhaan kasoo saaray tallaabada ay qaaday xukuumadda Soomaaliya ee taliyihii NISA ee G/Banaadir Saadaq Cumar Xasan loogu magacaabay taliyaha ciidamada Booliska G/Banaadir.

Isagoo weerar ku qaaday taliyaha laga soo wareejiyay NISA ayuu yiri: “Sharaf dhac ayey ku tahay magaca iyo maqaamka Hay’adii ugu faca wayneed Ciidanka Soomaaliyeed in shakhsiyaad dadka iyo dalka danbi ka galay xil sare looga dhiibo. Waxaa kaloo sumcad dil ah in Booliska Soomaaliyeed ee ay hawshiisu ahayd ka hortaga danbiyada laga dhigo goob loogu raad tiro danbiilayaal laguna meeleeyo maleeshiyaad kusoo fashilmay masuuliyadoodii, qaybna ka ahaa caburinta shacabka iyo weerarka siyaasiinta..”

C/raxmaan C/shakuur oo hore ugu soo eedeeyay Saadaq Joon inuu ka danbeeyay weerarkii lagu qaaday Gurigiisa ee dadka badan lagu dilay ayaa arrintan ku tilmaamay inay dhabarjab ku tahay heshiiskii Hindisaha Amniga Qaranka (National Security Architecture), gaar ahaan Barnaamijika Wadajirka ah ee Boolisnimada heer maamul Goboleed iyo mid Federaal ah (A Joint Policing Programme (JPP). Waxaan ugu baaqayaa Baarlamaanka, gaar ahaan gudiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha in ay arrinkaas baaritaan ku sameeyaan.

Wuxuu saraakiisha ciidamada Booliska ugu baaqay kacdoon isagoo u sheegay inaysan aqbalin sharaf dhaca iyo sumcad dilka lagula kacayo Ciidanka Booliska Soomaaiyeed, xitaa hadii ay xilkooda kalifto.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON