Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa walaa xoog leh ka muujiyey inay Taliyaha ciidamada Xoogga Dalka Jen. Yuusuf Odowaa Raage uu noqday nin hoos taga Taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo saaxiib dhow la ah Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
“Waxaa soo baxaysa in taliyaha CXD uu toos uga amar qaato TN. Amarrada xil ka qaadis, dalacsiin, shaqo ka joojin, iyo beddelaad ee maalmihii la soo dhaafay CXD ka dhex socotay waxay ahaayeen kuwo u adeegaya dano siyaasadeed, eex qabiil iyo ku takrifal awoodeed…” ayuu yiri C/raxmaan C/shakur oo u muuqda inuu fasirayo qoraalkii xalay kasoo baxay Safaaradda Mareykanka oo looga digay musuq iyo qaraabo-kiil ka dhex socda Hay’adaha Amniga.
C/raxmaan C/shakuur oo qoraal soo saary ayaa sheegay in Saraakiishii xirfadda ciidan lahayd lagu beddelayo kuwo daacad u ah Madaxweynaha iyo taliskiisa Nabadsugidda, iyadoo la tijaabinayo daacadnimada saraakiisha sar sare ee ciidanka.
“Waxaa la soo reebayaa intii heyb qabiil iyo daacadnimo la hubo leh. Sababta ugu wayn ee loo burburinayo xirfadda ciidanka, loona baabi’inayo mirihii dib u habeynta, waa in loo adeegsado sad-bursi siyaasadeed iyo ku takrifal awoodeed..” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur Warsame.
Xilligan kala guurka ah ayaa waxaa xukuumadda xilka sii heysa iyo Madaxtooyada Soomaaliya ay la soo baxeen magacaabis, isbedello iyo shaqo ka saaris balaaran oo looga faa’iideysanayo maqnaanshaha Xukuumad Rasmi ah iyo Ra’iisal wasaare oo Madaxweynuhu diidan yahay inuu magcaaabo xilligan.