Thursday, June 26, 2025

C/raxmaan C/shakuur: “Ujeedka Madaxda Dowladda waa in dadka Muqdisho danbiilayaal laga dhigo.”

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo hoggaamiyaha mid ka mida xisbiyada sida KMG ah loo diiwaangeliyay ayaa madaxda dowladda Soomaaiiya ku eedeyay inay dembiilayaal ka dhigayaan dadka Muqdisho.

Isagoo soo xiganayey farriimaha madaxda dowladda Soomaaliya iyo xog uu sheegay inay la wadageen Ajnabiga ayuu sheegay in ujeedka ay ka leeyihiin ay tahay inay ku qariyaan fashilka heysta, taasina ay noqoneyso naf-la-caarinnimo, sida uu yiri.

“Farriimaha maalmahan madaxda dowladda kasoo baxay iyo xogta ay ajnabiga la wadaagayaan wuxuu ujeedkeedu yahay in dadka Muqdisho danbiilayaal laga dhigo. Xildhibaannada iyo siyaasiyiinta oo lagu eedayo in ay Al-shabaab yihiin, ganacsatada oo lagu eedeeyo maalgelinta qaraxyada Al-shabaab, shacabka oo wadashaqayn la’aan lagu eedeeyo, kuwii gargaarka degdega ah fidinayey oo lagu eedeeyo in lagu soo dhexdhuunto, iyo saxaafadda oo buunbuunin lagu eedeeyo..” ayuu qoraalkiisa ku yiri C/raxmaan C/shakuur

Wuxuu sheegay in haddii ay madaxda dowladda rrintan ka tahay in fashilka lagu qariyo ay noqoneyso naf la caarinimo tii ugu danbeysay, haddiise ujeedo kale ku hoos jirtana ay tahay nacasnimo hor leh, basle aanu warka noocan ah ku cusbeyn dadka Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON