Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Ceynte ayaa si kulul u dhaliilay halka uu Soomaaliya ku wado Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
“Macaansiga kursiga ayaa kala qiima badnaaday bedqabka dalka iyo dadka. Ha yeeshee, waan hubaa inuu qaadi doono waddadii ay hortiis qaadeen kalitaliyeyaal badan” ayuu yiri Wasiir Ceynte oo faallo ka bixiyey sawirkii markii la doortay Maxamed C/llaahi Farmaajo oo laba madaxweyne oo la artamay ay barbar taagan yihiin.
“Sawirkan waa afar sano kahor maanta oo kale. Waa maalintii si rasmi ah loo caleema saaray mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo inuu noqdo madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya. Sawirku wuxuu astaan ifeysa u ahaa sida uu u xoogeystay nidaamka dimoqraadiga ah ee dalkeenna. Maalintii xigtay, wargeysyada Africa iyo kuwa carabta ee aan waligood arag madax xilka si nabad gelyo ah isugu wareejinaya, ayaa boggooda hore sawirkaas quruxda badan kusoo qaatay. Ayaan darro, wadiiqadaas wanaagsan waxaa ka weecday madaxweynaha muddo xileedkiisu idlaaday ee Farmaajo” ayuu qoraalkiisa ku yiri C/raxmaan Ceynte.

Qoraal kale ayuu ku sheegay in laga sugayo Golaha Ammaanka inuu qaado tallaabo ka dhan ah hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee dalka ku wada xaalad qarka u saareysa dagaal sokeeye, loona baahan yahay faragelin.