Sunday, July 13, 2025

C/raxmaan Cirro: Ma wuxuu qaadan doonaa jidkii Raila Odinga-ha Kenya mise Siilaanyaha Somaliland..?

Musharaxa xilka madaxweynaha eee xisbiga mucaaradka Somaliland C/raxmaan Maxamed C/llaahi Cirro wuxuu diiday natiijada doorashada madaxweynenimo ee Somaliland, isagoo ku qanci waayay dhammaan dadaalladii socday ee lagu doonayay inuu aqbalo natiijada soo baxday.

C/raxmaan Cirro oo ka mida siyaasiyiinta ugu waaweyn Gobollada la isku yiraahdo Somaliland, qeybna ka ahaa dhismaha maamulkaasi wuxuu u muuqdaa nin ay ka go’an tahay inuu qaadaco doorashada isla markaana qalalaase iyo is mari waa u horseeda maamulka iskiis u sheegtay inuu ka go’ay Soomaaliya oo xaalado badan ku wareegsan yihiin.

Waxaa cad in Somaliland aysan qaadi karin qalalaase ka dhasha doorashada madaxweynaha oo muddo dheer dib u dhacday, isla markaana hanti iyo waqti badan la geliyay, haddiise uu qaato dariiqii uu maray hoggaamiyaha mucaaradka Kenya ee Raila Odinga waxay keeni doontaa xasilooni darro ka dhacda Somaliland, taasoo oo ah sababta keentay in muddo dheer ay qaadato shaacinta natiijada si loo helo go’aan wadar ogol ah.

Waxa cad in Somaliland aanay awood u lahayn doorasho kale, iyo olole cusub, isla markaana aanay awoodin qalalaase siyaasadeed oo wax u dhima heerka ay soo gaartay ee nabadgelyo, iyadoo aanay suuragal ahayn dood sharciyeed oo sii socota kuna saabsan doorashada.

Haddii C/raxmaan Cirro iska soo taago inuu tanaasulo waxay noqon doontaa mid shaqsiyadiisa siyaasadeed soo dhameystirta, waxaana haboon inuu wax ka barto samirkii siyaasadeed ee madaxweynaha xilka ka degaya Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo codad fara ku tiris ah aqbalay inuu u tanaasulo danta guud.

Waxaa rajo laga qabaa in C/raxmaan Cirro khibradiisa iyo Odaynimadiisa ay keento inuu aqbalo natiijada doorashada wax kastoo ah tahay iyo khaladaad kasta oo ku jira, waana tan kaliya ee Somaliland badbaadin karta inuu qaato jidkii Axmed Siilaanyo ee u samirka danta guud iyo tanaasulka, halkii uu raaci lahaa Raila Odinga.

FAALLADA GOOBJOOGE

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON