Siyaaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo hoggaamiya Xisbiga Wadajir ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay isku dayday sidii ay uga hor istaagi lahayd khudbad uu u jeedin lahaa Ardayda Soomaalida ee dalka Malaysia.
“Dowladda Soomaaliya si ay u joojiso khudbad aan u jeedin lahaa ardayda Soomaaliyeed ee Malaysia ayaa safaaradda Soomaaliya ee Malaysia oo ka amar qaadnaysa Villa Somalia, waxay Booliska dalka Malaysia ku wargelisay inaan ahay danbiile baaritaan dalkiisa uga socda, Islaamka u gefey, fatwana la iga soo saaray, la iina diiday in aan dalal badan oo Islaam ah hadal jeedin ka sameeyo..” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo xafladiisii ay tageen Booliska dalkaasi.
Wuxuu intaas raaciyey inay arrintaasi tahay sida ugu foosha xun oo awood dawladeed loogu takri falo. wuxuuna sheegay in daddaal ay sameeyeen ardayda Soomaaliyeed iyo garashada Booliska Malaysia kadib ay suuragal u nqotay inay xafladii sii socoto, shirqoolkii iyo isku daygii looxda Vila Somalia-na uu fashilmo, sida uu yiri.