Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa difaacay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo weerar Afka ah oo ka yimid Guddoomiyaha Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe Sheekh Yuusuf Ciise Kaba-Kutukade.
Kaba-ku-tukade oo ay isku beel yihiin madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu Galgaduud ka wado abaabul dagaal oo uu dhex dhigayo beelaha Murusade iyo Hiraab, wuxuuna ka hadlay jufooyinka iyo beelaha degaanadaasi.
Sheekh Yuusuf Kaba-Kutukade ayaa ku dooday madaxweyne Xasan ka shaqeynayo in dhulka Murusade ku duullaan beelaha Hiraab gaar ahaan Habar Gidir, sidoo kale isku dirayo jufooyinka kale ee kawada tirsan beesha Habar Gidir.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray jawaab kulul siiyay Shekh Kaba-ku-tukade, wuxuuna si cad u soo abadnhigay culeyska heysta Al-Shabaab iyo arxan darradooda.
Qoraalka jawaabta ah ee C/raxmaan Cabdishakuur ayaa u qornaa sidatan :
Waxaan dhagaystay hadal uu soo duubay horjoogaha kooxda argagexisada AS ee gobbolada dhexe. Wuxuu sheegay in Xasan Sheekh uu Hiraab u gacan gelinayo dhul Heridiid (Mursade), in uu Habargidir isku dirayo, Cayr iyo Saleebaan, in beelihii hore sida Xawaadle uu garabkooda ka baxay?.Waxaa iswaydiin mudan maxaa sababay in argagexisadu AS ay sidan qayaxan oo qaawan qabiillada ugu qayla dhaamiyaan oo ay naf u bidaan wixii ay oran jireen waa qurun iyo jaahiliyad ee ka fogaada, iyagoo iska dhigaya in ay qabiilada u dub naxayaan?Waxay caddayn u tahay culayska saaran, cabsida haysa iyo colka ay wajahayaan.Abaal uma ergana kooxda argagexisada AS, ehelna lama aha Soomaali, saa waa kuwii hal subax, 14 Oktoobar, dad ku dhow kun Soomaali aaga Zoobe kaga dilay, waa kuwii hal doorka Soomaaliyeed ee sheekh, macallin, dhakhtar, sarkaal, injineer, ganacsade, siyaasi, saxafi, hobol, iyo safiir naga ugaarsan jiray.Waa kuwii Soomaali gumeeyey, gobbonimo u diiday, badayna in ay filkeed gurmad ciidan ka barido. Waa kuwii sababay in 3 malyan oo Soomaali ah dalka gudihiisa colaad, oon iyo gaajo ugu barakacaan. Waa kuwii magac dilay Musxaf, Masjid iyo Minbar diineed.Cabsida, calaacalka iyo catawga kooxda wuxuu dhiirranaan siinayaa ciidanka xoogga dalka (CXD), iyo cududda macawiislay. Wuxuu yididdiilo u yahay dadka ay 15-ka sano dulmi, dullayn iyo darxumo la duljoogeenWaxaase lagama maarmaan ah in hoosta laga xariiqo halbeegga guusha xorayn oo keli ah maaha, ee waa xorayn, xajin iyo xasilin wada socda. Waa in aysan dhicin in degaan argagexisada laga xoreeyey aysan dib u qabsan, dadkii la dirirayna ka aargudan.