Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa qoraal uu ku soo beegay socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre uu ku joogo magaalada Baydhabo ku dalbaday inuu garowshiyo iyo magdhow ka bixiyo dadkii ciidamada dowladda ku dileen magaalada Baydhaba aakhirkii sanadkii hore intii uu socday ololaha doorashada maamulkaasi.
“Rii’sal wasaaraha waxay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Koonfur Galbeed uga fadhiyaan inuu garawshiyo ka bixiyo, ka dibna magdhaw dadkii sanadii hore 13-15 December 2018 lagu laayey Baydhabo, fuliyana balantii ay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed..” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo markan u hadlay dadka Koonfur Galbeed.
Siyaasiyiinta kasoo jeeda K/Galbeed ayaan arrintan soo hadal qaadin, waxaana arrintan loo arkaa inuu C/raxmaan C/shakuur ku carqaladeynayo socdaalka Ra’iisal wasaaraha, iyadoo hore loo ogyahay inuusan garowshiyo iyo cadaalad u helin askartii lagu dilay Gurigiisa markii ay ciidamada dowladda weerarka ku qaadeen Dec 2017.