Friday, April 19, 2024

C/raxman C/shakuur oo Dadka Muqdisho ugu baaqay inay iska xoreeyaan Cadaadiska Dowladda Federaalka

C/raxmaan C/shakuur Warsane oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ee ka horjeeda hoggaanka dowlada Soomaaliya ayaa ugu baaqay dadka Muqdisho inay isu abaabulaan sidii ay uga xoroobi lahaayeen cabdiga iyo cadaadiska dowladda.

“Nolosha Soomaaliya ka jirta, gaar ahaan caasimadda ma aha mid la qaadan karo, sida keli ah ee ay shacabku uga xoroobi karaan cabsida argagexisada iyo cadaadiska dowladda waa in ay jebiyaan derbiga cabsida oo abaabul nabadeed la isugu soo baxaa si noloshan dayaca iyo darxumida ah loo beddelo…” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo farriintiisa ku soo beegay iyadoo maalintii labaad ay Muqdisho ka socdaan bannaanbaxyo looga horjeedo jidadka u xiran madaxda Dowladda Soomaaliya.

Wuxuu ka hadlay bannaanbaxyo iyo gadood ka socda dalal badan oo dunida ah, wuxuuna dhalinyarada ugu baaqay inay is abaabulaan oo ay awoodi karaan inay iska dul qaadaan cadaadisa iyo cabsida ay ku heyso dowladda Federaalka. “Dhallinyaradu way karaan arrinkaas ee dadaal iyo waqti geliya, doodo iyo aragti is dhaafsada..” ayuu yiri.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON