Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID oo shir ku lahaa magaalada Hargeysa ayaa soo saaray war-saxaafadeed wadajir ah oo ay uga hadleen xaaladda Somaliland, iyagoo si kulul u cambaareeyay madaxweynaha maamulkaasi Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiyaha Xisbiga Wadani C/raxmaan Maxamed Cirro oo saxaafadda u akhriyey War-saxaafadeedka, iyagoo uu barbar taagan yahay guddoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Muuse Biixi isu bedelay keligii-taliye doonaya inaysan doorasho dhicin, markii uu la wareegay Goleyaashii Somaliland.
War-saxafadeedka ayaa lagu sheegay in Somaliland ay mareyso xaalad adag, isla markaana waxay ku baaqeen in la qabto doorasho Madaxweyne oo xilligeeda laga soo hormariyo sanadkan gudihiisa, iyadoo sheegay inuu Muuse Biixi ku fashilmay hoggaamina Somaliland.
Xisbiyada Mucaaradka waxay dalbadeen inuu Muuse Biixi soo bandhigo wixii dhex maray isaga iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ee ku saabsan socdaalka Farmaajo ee Somaliland iyo in shacabka loo soo bandhigo qoraalka uu u diray Ra’iisal wasaaraha Itoobiya.
HOOS KA DAAWO