Wednesday, June 25, 2025

C/weli Gaas & C/raxmaan Faroole oo baaq & digniin kasoo saaray xaaladda Qardho & Gurmadka..

Waxaa magaalada Garowe shir jaraa’id ku qabtay Madaxweynayaashii hore ee dowladda Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamud (Faroole) iyo C/weli Maxamed Cali Gaas oo uu wehelinayo Senator C/risaaq Xasan Jurrile, iyadoo ka digay Guddiyo Gurmad oo is barbar yaacaya in loo dhiso xaaladda degmada Qardho.

Cabdiweli Gaas iyo Cabdiraxmaan Faroole ayaa baaq ay direen ku sheegay in loo baahan yahay in xukuumadda Puntland looga dambeeyo hawsha gargaarka ee ka socota degmada Qardho, meesha laga saaro guddiyada is barbar yaacaya ee mid kasta uu sheeganayo inuu gargaar fidinayo.

Senator Faroole ayaa ku baaqay in tirakoob dhab ah lagu sameeyo dadka Qardho ee dhibaatadu gaartay, loona xil saaro guddi daacad ah oo wax ka qabta arrintaasi, wuxuuna u mahadceliyey dowladda Federaalka oo Hal Milyan oo Doolar degdeg u gaarsiiyey maamulka Puntland, iyadoo ay filayeen inay lasoo daahi doonto.

C/weli Gaas ayaa isna dhinaciisa u mahad celiyay dowladda Federaalka taageerada ay soo gaarsiisay, isagoo sheegay inaysan ku filneyn lacag Hal Milyan ah, isago rajeeyay inay taageerada sii kordhiyaan.

C/raxmaan Faroole iyo C/weli Gaas ayaa soo jeediyay in maamulka Puntland ku filan yahay gurmadka, wax kastoo mucaawino ahna lagu hagaajiyo Guddiga Puntland u saartay arrinta Qardho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON