Thursday, June 4, 2020
More

    XOG: Beesha Caalamka oo ku kala qeybsantay Heshiiskii Nairobi & Arrimaha Jubbland

    Dalalka Beesha caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa ku kala qeybsamAY War-saxaafadeedka lagu taageeray heshiiska magaalada Nairobi ku dhex maray Axmed Madoobe iyo siyaasiyiintii ka horjeeday dib u doorashadiisa muranka badan dhalisay ee Ogost 2019.

    Warkan oo ay sida caadada ahayd uu shaaciyay xafiiska Q/Midoobay ee Soomaaliya UNSOM waxaa ku saxiixnaa dalalka Mareykanka iyo Midowga Yurub, waxaana ka maqnaa dalal kale oo hore ugu mideysnaa go’aannada Beesha caalamka ka qaadato xaaladda Somalia.

    Ad

    War-saxaafadeedkii ugu danbeeyay ee lagu soo dhoweeyay heshiiskii Nairobi waxaa ka maqnaa: Midowga Afrika, IGAD, Jaamacadda Carabta, iyo dalalka: Masar, Turkey, Uganda, Itoobiya iyo dalal kale.

    Safiirka UK ee Somalia Ben Fendar ayaa farriin yar oo uu daba digay War-saxaafadeedka Beesha Caalamka ku sheegay inay doorashadii Axmed Madoobe ay ahayd mid si weyn kharibeyd, ayna Soomaalida istaahilaan inay madaxdooda ku dooraan hab xor iyo caddaalada ah. laakiin cid kasoo heshiineysa ay soo dhoweynayaan.

    Safiirka Mareykanka ee Somalia Donald Yamamoto ayaa iska dhinaciisa sheegay in heshiiska Nairobi bilow u yahay heshiis dhex mara Axmed Madoobe iyo dhinacyada kale, isagoo aan soo hadal qaadin dowladda Federaalka.

    Itoobiya ayaa muddooyinkii danbe laga waayey dalalka Beesha caalamka ee soo saara war-saxaafadeedyada lagu saxiixo magaca ‘Somalia’s international partners’ iyadoo ay soo shaac baxeyso inay Beesha Caalamka ku sii kala qeybsantay xaaladda Soomaaliya.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    143,336FansLike
    1,607FollowersFollow
    5,313FollowersFollow
    143,336FansLike
    1,607FollowersFollow
    5,313FollowersFollow

    WARARKA UGU SHIDAN