Thursday, June 26, 2025

C/weli Gaas: “Go’aanada Shirka Baydhaba waxay horumarinayaan Nidaamka aan annagu hormuudka u nahay ee Federaalka”

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa dib ugu laabtay magaalada Garowe kadib markii uu ka qeyb galay shirkii Golaha Amniga Qaran ee magaalada Baydhaba.

Gaas oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in hirkii Amniga Soomaaliya uu ku soo dhammaaday guul, isla markaasina looga hadlay arrimo muhiim ahaa oo Amnigu ugu horeeyay iyo xoojinta Federaalka oo uu sheegay inay Puntland hormuud u ahayd.

“Shirka waxaa kasoo baxay go’aamo iyo heshiisyo aan is leeyahay waa arrimo muhiim u ah masiirka Soomaaliya oo sii adkeynaya Federaalisimka.. markaan eegno go’aamada soo baxay waxay qaybinaysaa awooda Soomaaliya, waxay horumarinaysaa nidaamka aan anagu hurmuudka ka ahayn federaalisimka..” ayuu yiri C/weli Gaas oo intaas ku daray in  Puntland mar waliba ahayd midda u ddooda, oo  ka hadasha federaalka.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegau inuu Soomaaliya isbadal ku socdo dhan walba, dhan amni, dhan dhaqaale, iyo dhan arrimaha la wadaago ah, rajada badanna uu ka qabo inuu sidooda loo fuliyo go’aanada kasoo baxay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON