Wednesday, July 9, 2025

C/weli Gaas oo beeniyay inuu Qorsheynayo xil kororsi Mudadda xilka Madaxweynaha Puntland

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa uu beeniyay inuu qorsheynayo  inuu kororsado mudadda xil-haynta oo ku eg aakhirka sanadkan 2018.

Isagoo ka jawaabay eedeymo dhawaanahan soo baxayay oo ahaa in madaxweynaha uu qorshaynayo in uu muddo kororsi sameeyo, wuxuuna yiri “Waxaan maqlayaa madaxweynahaa hal sanuu ku darsanayaa, labo sano ayuu ku darsanayaa, aniga awoodaas maba lihi, haddii qofka la siinayo in uu isaga darsanayo waa wax la yaab leh, waxaanse rabaa in aan dadka u sheego, doorashada Puntland si mug leh ayay waqtigeeda ku dhacaysaa, 8-da Janaayo, 2019-ka, sidii ay u dhici jirtay si ka fiican ayay u dhacaysaa”.

Madaxweyne Gaas oo waraysi siinayay BBC-da , ayaa sidoo kale ka hadlay waxyaabaha uu isaga shaqsi ahaan damacsanyahay marka la gaaro xiliga doorashada, wuxuuna yiri “Marka waqtigeeda la gaaro ayaan ka hadli doona, hadda shaqo kale ayaan ku jiraa, marka waqtigaas la gaaro ayaa sheegi doonaa meesha aan ka aadi doono iyo in aan kusii jiri doono shaqadan , in aan dhanka ganacsiga u leexan doono, iyo in aan waxbarashadii iyo macalinimadii aan ku laaban doono”.

Dhawaan Ciise Maxamuud Faarax (Dhoollowaa) oo ah afhayeen u hadlay koox siyaasiyiin ah oo madal samaystay ayaa sheegay in ay xukuumada Puntland ka dalbayaan inay qabato waqtigii ay dhici lahayd doorashada.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON