Sunday, July 13, 2025

C/weli Gaas oo kashifay dantii ay Puntland ee Aqalka Sare, Weerarna ku qaaday C/raxman Farole & Cumar C/rashiid [Dhageyso]

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas  ayaa kashifay sababtii loo dhisay Aqalak Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo ujeedkii ay Puntland ka lahayd oo dagaal u gashay inay xubno dheeraad ah ka hesho.

Wuxuu Gaas eedeyn kulul u jeediyay Xildhibaanada Aqalka sare ee federaalka ee kasoo jeeda oo uu sheegay inay ka soo bixi waayeen waajibkii ka saarnaa inay ka dhex difaacaan danaha Puntland gudaha Aqalka Sare sida uu yiri qaarkoodna ay ka hor yimaadeen horumarka Puntland.

Madaxweyne Gaas oo khudbad dheer ka jeedinayey shir kusabasan arrimaaha dastuurka Federaalka oo ka dhacaya magaalada Garowe, ayuu sheegay in Puntland ay dagaal weyn gelisay sidii loo dhisi lahaa Aqalka sare laakiin aysan waxba ka faa’iidin, wuxuuna is weydiiyay halkii ay ku danbeeyeen xubno uu so hadal qaaday C/raxmaan Faroole iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo Puntland u dirsatay Aqalka Sare.

“Anagaa qasab ka dhignay in la dhiso Aqalka sare iyadoo la rabin, laakiin hadda waxba nama tarin, wax hadda uu na taray oo noo soo kordhiyay ma jirto, dagaal baan ku galnay dowlad goboleedyada oo 11 xubnood aan ku yeelana, waxaan geysanay Madaxweynayaashii, Ra’isul wasaarayaashii, Cabdiraxmaan Faroole iyo cumar Cabirashiid si ay wax nooga soo dhiciyaan, ma taqaaniin meel ay jiraan ma warqabtaan, ma hayno…” ayuu yiri C/weli Gaas oo baafiyey Faroole iyo Cumar C/rashiid.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sii raaciyay “Waad dhagaysanayseen markii doodu socotay danihii Puntland ayaa qaar badan ka soo horjeedeen, Idaacadaha ma ka dhageysanayseen, waxay lahaayeen Puntland maalgalinteeda raali kama nihin, kuwaas anaa gacanteysa ku qoray… laakiin hadda waxba oran maayo, markii ay Puntland ku soo laabtaan ayaan sheegi doonnaa” .

DHAGEYSO KHUDBAD DHEER

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON