Wednesday, June 25, 2025

C/weli Gaas oo shaaciyey inay diyaar u yihiin Waanwaan ay la galaan dowladda Federaalka [Akhriso]

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay khilaafka ka dhaxeeya dowlada Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada.

Isagoo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ayuu sheegay Madaxweyne Gaas inay ka war sugayaan dhex dhexaadinta uu wado Aqalka Sare, inkastoo shirkii Garowe war kasoo baxay lagu sheegay inay fashilantay waanwaantii Aqalka Sare,  isagoo dood ka keenay inay Muqdisho imaanayaan.

“Dhowr jeer oo horay shirar la isugu yimid go’aamo la gaaray, go’aamadaas waxba kama hirgelin, marka waxay noqotay in la isu yimaado oo wada hadlo, hadana go’aano kale la gaaro, hadana la fulin waayo waqtina sidaas ku dhammaado” ayuu yiri Gaas oo ku adkeystay in loo baahan yahay in la helo dhnac saddexaad oo damaanad qaade noqda.

Madaxweynaha Puntland oo shirkii Garowe loogu magacaabay guddoomiy Xisbi ay leeyihin maamul Goboleedyada ayaa yiri: “Faragelin shisheeye muhiim ma ahan, meel aan uga hadalnay ma jirto, hada Aqalka Sare oo matala dowlad goboleedyada oo dad Soomaaliyeed ah nidaamka Federaalka saldhig u ah ayaa waan waanta galay, waana soo dhoweynay, haddii ay dhankaas ka ogoleysiinayaan in la heshiiyo wax dhibaato ah kuma jirto anaga diyaar ayaa u nahay howshaas inay dhex dhexaadin ka noqdaan”.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON