Thursday, June 26, 2025

C/weli Gaas oo shaqadii ka eryay 7 ka mida Mas’uuliyiiinta Wasaarada Kalluumeysiga Puntland [Akhriso]

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/Weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa shaqada ka eryay 7 Xubnood oo ka tirsanaa Wasaarada Kaluumeysiga iyo Kheyraadka badda maamulka Puntland.

War Saxaafadeed ka soo baxay Madaxweyne Gaas ayaa sababta xilka qaadista lagu sheegay iney tahay in Masuuliyiinta ay galeen arimo ku saabsan Musuqmaasuq iyo Maamul Xumo.

Dadka Shaqada laga eryay ayaa Kala ah:

1- Maxamuud Maxamed Cali (gabax), Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Kalluumaysiga iyo khayraadka badda

2- Cali Xirsi Faarax Maxamuud, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda.

3- Cabdulqaadir Xaaji Yuusuf Siciid Fay, Agaasimaha waaxda maamulka ee Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda.

4- Maxamed Siciid Cartan (Balcad), Agaasimaha waaxda Kalluumaysiga ee Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda.

5- Cabdicasiis Axmed Jaamac, Xiriiriyaha Gobolada ee Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda

6- Cabdi Salaad Maxamuud (Radoofe), Fidiye Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda.

7- Casayr Yuusuf Maxamuud, Fidiye Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxeexay madaxweynuhu

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON