Monday, July 7, 2025

C/weli Gaas oo shuruud adag ku xiray wadahadal nabadeed oo dhex mara Puntland & Somaliland

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa shuruud adag ku xiray wadahadal nabadeed oo uu la firo maamulka Somaliland, isagoo ku adkeystay inuusan marnaba waanwaan ka geli doonin dagaalka degaanka Tukaraq ee cidamada Somaliland iyo Puntland.

Warka C/weli Gaas ayaa soo baxay iyadoo ay Garowe iyo Hargeysa ay socdaal waanwaan raadin ah ku marayaan wafdi ka socda Q/Midoobay iyo IGAD, wuxuuna sabab uga dhigay in ciidamada Somaliland ay gacanta ku hayaan degaano ay leedahay Puntland, isla markaana aanu wadahadal dhici karin inta ay ciidamadeeda kala baxeyso degaanadasi.

“Somaliland degaanadeena ayay ku soo duushay, wadahadal ma imaanayo inta dhul Puntland ay leedahay heysato Somaliland, dhulka waa inay ka baxaan kadib ayaan wada hadal geli karnaa.” Ayuu yiri Gaas.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON