Friday, June 27, 2025

C/weli Gaas: “Puntland waa isku filan tahay, waana isku kalsoon tahay, cidna ku tiirsanaan meyso, Ciddii..”

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo maanta gaaray magaalada Garowe ayaa sheegay inay Puntland isku filan tahay, iskuna tashaneyso oo aysan arrimahooda cidna uga marti ahayn.

Wuixuu ugu baaqay shacabka Puntland inay ilaashadan midnimadooda iyo wadajirkooda, ayna ka digtonaadan cid kasta oo wiiqeysa jiritaanka dowladnimada Puntland. Gaas ayaa shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada Garowe.

“Waxaan dadka Puntland kula dardaarmayaa inay  ilaashadaan midnimadooda. Puntland iyadaa na hurran, iyadaa nagu filan, Haddii ay jirto cid meel kale u hanqal-taagaysaahi waxaa runtii haboonaan lahayd in meeshaas uu aado…” ayuu yiri madaxweyne Gaas.

Wuxuu kaloo shirkiisa jaraa’id ka sheegay Puntland ay  maamulaneyso dhammaan arrimaheeda gaarka ah oo aysan cidna uga baahneyn in ay ku tiirsanaato, iyadoo arrintaasi uga jawaabayey xiriirka uula yeeshay Imaaraadka Carabta.

Wuxuu sheegay inay mashaariic horumarineed ay Imaaraadka Carabta ka fulinayaan Puntland isla markaana aysan wax khilaaf ah kala dhaxeynin dowladda Federaalka Somalia.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON