Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya C/weli Ibraahim Muudey ayaa diiday codsi ah nin kulamada Baarlamaanka lagu qabto meel ka baxsan xaruntooda Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in Mudane Muudey oo gacansaar la leh xukuumadda Ra’iisal wasaare Kheyre uu meesha ka saaray dalabka ka yimid Guddoomiyaha mooshinku ka yaallo ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo ku saabsan in kulanka Baarlamaanka lagu qabto Teendhada Xalane ee lagu doortay madaxweyne Farmaajo.
Arrintan ayaa noqotay khilaaf kale oo kusoo kordhay muranka ka taagan Mooshinka Jawaari, waxaana dalbaday in ciidamada laga qaado xarunta Baarlamaanka Guddiga Aqalka sare iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in xukuumadda ay dib ugu soo celisay xarunta Baarlamaanka qeyb yar oo ka mida askartii ilaalada ka ahayd xaruntaasi, iyadoo ciidamadii hore loo geeyay ay ilaalo ka hayaan xeydaanka xarunta aqalka Baarlamaanka.